Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo Duqeeyey Meel U Dhow Saldhigga Millatariga Mareykanka Ee Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkiga ayaa duqeeyey gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya gaar ahaan meel ku dhow goob ay sugan yihiin ciidammada Mareykanka.

Duqeymahan cirka ah ayaa qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qirtay weerarkan, iyagoo sheegay in xilligaas ayna ku sugneyn saldhigga.

Ilo ku dhow hoggaanka ciidammada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, ayaa sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidammada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this