Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay shir muhiim u ah Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya 28-ka bisha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa shalay lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre. 

Shirka ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Qorsheynta, Mudane Hon.Mohamud Abdirahman Beenebeene, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirrada ay Wasaaradahoodu tiirka u yihiin dhaqaalaha iyo Wax soosaarka gudaha  

Waxaa shirka qeyb ka ah Wasiirradaha Qorsheynta, Maaliyadda, Ganacsiga, Xannaanada Xoolaha, iyo Duulista Hawada, waxaana looga hadlay ganacsiga iyo maal-gashiga. Sidoo kalana lagu dhiirrigeliyay howlaha mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, oo ay intooda badan hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda.  

Waxaa kale oo kulanka diiradda lagu saaray u diyaar garowga shirka caalamiga Maal-gashiga Soomaaliyeed ee dhici doonta 28-ka illaa 29-ka bishaan, bandhigaas oo lagu qaban doono Muqdisho, islamarkaana muhiim u ah horumarka dhaqaalaha dalka. 

Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka horumarinta dhaqaalaha dalka ayaa isla gartay in la dar-dar geliyo howlaha horumarineed ee lagu xoojinaayo kororka dhaqaalaha, sidoo kalana laga shaqeeyo qabsoomidda Shirka dhammaadka bishaan, ee muhiimadda weyn ugu fadhiya Maalgashiga iyo Mashaariicda horumarineed ee dalka.
315436415_436813838655798_11337095983366 316680096_436813805322468_11485453315230 316136828_436813798655802_15743888356748 316288410_436813758655806_70585005227946 316957074_436811898655992_13137616592282 316675908_436813831989132_59845031590445

The post DF oo shaacisay shir muhiim u ah Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya 28-ka bisha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this