Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo ku wajahan Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso siday xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka UAE ayaa lagu wadaa in uu ka dego Boosaaso.

Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa magaalada Boosaaso ka daah-furaya mashruuc lagu ballaarinayo garoonka diyaaradaha Boosaaso sida ay wararku sheegayaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay booqdaan xarunta Ciidamada PMPF halkaas oo tababar looga furayo Ciidamo heer Federaal ah.

PUNTLAND POST

The post Xasan Sheekh iyo Siciid Deni oo ku wajahan Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this