Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor-imaad khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221124_100218324.png?resize=720

Iska hor imaad khasaare dhaliyay ayaa saaka oo Khamiis ah laga soo weriyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Iska hor-imaadka oo salka ku haya muran dhuleed ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay iska hor-imaadkaas waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kala duwan.

Xaaladda ayaa sida la sheegayo haatan deggan waxaana socda waan-waan lagu qaboojinayo xiisadda labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Iska hor-imaad khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this