Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Hubeysan Oo Ugu Yaraan 10 Qof Ku Dilay Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin hubeysan ayaa ilaa 10 qof ku dilay dukaan ku yaalla Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Nin la rumeysan yahay in uu ahaa maamulaha tukaanka ayaa rasaas ku furay dadkii halkaas ku sugnaa kadibna waa uu is dilay.

Maamulka magaalada Chesapeake ayaa bartooda twitterka ku soo qoray “boolisku waxay xaqiijinayaan dhacdo dhimasho sababtay oo ka dhacday tukaanka Walmart”. Weli faahfaahin dheeraad ah kama aysan soo bixinin, balse sarkaal ka tirsan booliiska oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sheegay in dad aan ka badneyn 10 qof lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay.

Senatar ka tirsan gobolka Virginia Louise Lucas ayaa sheegay inay “gabi ahaanba aad uga niyad jabtay” waxa ay ku tilmaantay “Toogashadii ugu dambaysay ee Maraykanka”. Waxay ku dartay: “Ma nasan doono ilaa aan helno xal lagu soo afjarayo rabshadaha hubaysan ee dalkeena ku soo badanaya”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this