Sign in to follow this  
General Duke

Heavy troop movement + report of clashes

Recommended Posts

Ciidamadii Dowlada ee Tababarka ugu dhamaaday Xerada Daynuunaay oo la dejiyey ayraboorka

 

 

Baydhabo,Ciidamo ka badan 3 kun oo tababar dhawaan dowladda FS ay ugu soo gabagabeysay Xerada Daynuunaay ayaa maanta lagasoo qaaday dhanka Xeradaasi iyadoo la dejiyey ayraboorka magaalada Baydhabo.

 

Masuuliyiin u hadashay xukuumadda FS ayaa sheegay in ciidamadaasi haatan la geeyay magaalada Baydhabo halkaasi oo hub iyo tuute Ciidan loogu qeybinayo si ay qeyb uga qaataan howlaha Dowladda FS ay ku dooneyso in ay ku xakameyso amaanka Bay.

 

Ciidamadaasi ayaa lagu waday in la geeyo halka isaga soo horjeedaan ciidanka dawlada iyo kuwa maxaakiimta, hayeeshe saraakiisha Milatariga Ethiopia ayaa la sheegay inay codsadeen inay iyagu howsha la wareegaan si iyagu hawl galada ula wareegaan.

 

Ciidamadaasi ka tirsan dowladda FS ayaa la geynayaan deegaanada Iidaale iyo Diinsoor halkaasi oo ay ka qaban doonaan howlo gaar ah oo dowladda FS ay ku dooneyso in ay ku adkeyso amaanka guud ee gobolka Bay.

 

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa deeganada ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Maxaakimta waxaa laga dareemayay dhaq dhaqaaq xoogan oo labada dhinac ay wadaan,iyadoo cabsi xoogan laga qabo in dagaalo kharaar halkaasi labada dhinac ay ku dhex maraan.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal sababay 4 dhaawac Ethiopian ah oo ka dhacay meel dhabarka kaga beegan Buur hakaba

 

 

Baydhabo,Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal kharaari uu ka dhacay meel dhabarka kaga beegan degmada Buukahaba oo ka xigta dhinaca degamda Qoryooley, dagaalkaas oo sida illo xog ogaalihi noo sheegeen dhex maray ciidamada dawlada oo ay taageerayaan kuwa Ethiopia iyo ciidamo taageersan midowga maxakiimta oo lagu sheegay inay Oromo yihiin.

 

 

 

Dagaalkaan oo aan hadda xog buuxda laga hayn ayaa la sheegayaa 4 ka mid ah ciidamada Ethiopia oo dhaawac ah, saaka laga dhoofiyey garoonka Diyaarahada ee magaalada Baydhabo iyada oo loo duuliyey dhinaca magaalada Addis abab ee dalka Ethiopia.

 

 

 

Weli ma cadda meesha dagaalku ka dhacay magaceeda khasaaraha uu gaystay inta uu leegayahay iyadda oo sababta lagu sheegay in aan xog ahi banaanka u bixin, waxaasi illo wareedkaasi noo sheegeen in war laga soo xigtay ciidanka Ethiopianku ay sheegeen in dad badana ku dhinteen , oo tiradooda la sheegin maxaabiis badana ay ka kaxaysteen.

 

 

 

Weli ma cadda cidda dagaalku qabsaday laakiin Ethiopian-ku waxay sheegeen inay ahaayeen xero lagu tabaro ciidamo mucaarada ah oo Oromo ah.

 

 

 

dhinaca kale warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in meel wax badan u jirin magaalada Jowhar iyana lagu arkay Ciidamo Ethiopian ah.

 

 

 

Wixii ka soo kordha isha ku hay shabakada wararka Waayaha.net.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ethiopian 70 tikniko ah wata oo soo gaaray magaalada Gaalkacayo

 

Gaalkacayo, Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaas ay soo gaareen Ciidan Ethiopian ah oo ku hubaysan 70 gawaarida dagaalka ah ee nooca loo yaqaan tiknikada.

 

iidamadaan ayaa la sheegayaa inay weheliyaan ilaa 2 General oo loogu talagalay inay ciidamadda ethiopianka ka hogaamiyaan dhinaca gobolada dhexe ee Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay dhowaan fooda isku daraan taageerayaasha dawlada FS oo Ethiopianku weheliyo iyo midowga maxaakiimta magaalada Muqdisho.

 

 

 

Ciidankan soo gaaray magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa halkaas uga sii horeeyey ciidan tiradooda lagu sheegay 300 askari oo deganaa duleedka magaalada kuwaas oo sida la sheegay tabar siinayey ciidan reer Puntland.

 

 

 

Dhinaca kale wararka ka minaaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in iyana ay coonka u fadhiyaan ciidan Ethiopian, oo dhowaan xuduuda soo dhaafay kuwaas oo ay weheliyaan malayshiyo beeleeyo taageersan hogaamiye kooxeedyadii laga eryey magaalooyinka koonfurta Soomaaliya.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa waxaa dul taagaan hogol Colaadeed oo laga cabsi gabo in dagaalkeedu ku faafo gobolka oo dhan.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^well that means most of the things you post here have high possiblity of not being true,but you always seem to pass them out as being nothing but the truth...what makes this one any different.

 

Maybe it's because it's not from any Puntland sites.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^LOL. Most things I post are there to give the point of view that supports my arguments. Most news is and will not be entirely true, thus I try to get as much info as possible from various different sources, Mogadishu, Puntland, Bay and Bakool and even Somaliland.

 

Oh this site is a Puntland one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^well,I think if I am not mistaking,you post news from other sites only when discussing general topics,but mostly when it's about the ICU and TFG,you post primarily the news from Puntland regarding ICu and TFG,as expected they glorify Ethiopia and their fellow kinsman,yey..which is okay with me,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You can go back on most of my topics, the news comes from various sources, Puntland and otherwise. But I never thought news from 1/3 of Somalia was any less credible than say those from Somaliland or the Clan Courts media, HornAfrik,Shabbele and Simba that are from a sub-clan.

 

But that is Somalia for you,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this