Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muxuu ka shaqeynayaa TV-ga cusub ee Xasan Sheekh uu maanta furay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Telefishin cusub oo si gaar ah u tebi doona dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxaha xagjirka ah.

Telefishinkaan magaciisu uu noqonayo SNTV Daljir ayaa sidoo kale diiradda saari doona ka shaqeynta arrimaha khuseeya horumarka Soomaaliya iyo guulaha ciidanka qaranku ay ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.

Madaxweynaha ayaa maanta ku dhawaaqay in Telefishinkaan cusub uu qaada doono doorka tebintaas u gaarka ah dagaalka, horumarka dalka iyo caqiidada suuban, si meesha looga saaro afkaaraha xagjirka ah.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyey inay u soo jeestaan hormarinta dalkooda, “Aduunyadii waa naga tagtay ee aan ka daba tagno, TV-gaan ayaad hadda kadib kala soca doontaan hormarka dalka iyo arrimaha dagaalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dunidu ay hormar badan sameysan sanadihii ay burbursaneed Soomaaliya, caqabadaha ay dadka Soomaaliyeed ka gudbi waayeen ayuu sheegay inay ugu horeeyaan Al-Shabaab.

“Weli dabar ayaa nagu xiran, Shabaabka ayaa naloo adeegsaday, waana iska diidnay waxa ay wadaan, waana ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jaray SNTV 2 Daljir.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Muxuu ka shaqeynayaa TV-ga cusub ee Xasan Sheekh uu maanta furay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this