Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Maraykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada.

Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah oo, ay ku jirto afarti sano ee uu madaxweynaha ahaa.

Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump.

Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo keliya.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Maraykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Donald Trump appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this