Deeq A. Posted November 23, 2022 Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhuftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof. Dhulgariirkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan looga dareemay. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 — taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1 ee ay bixisay hay’adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka. Waxa uu ka dhacay degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin kale oo u dhow. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay dhul gariir ka dhacay dalka Turkiga appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites