Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1669197717661.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha.

Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyey dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this