Sign in to follow this  
Somalina

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay howlgaladii laga sameeyay Muqdisho.

Recommended Posts

Somalina   

Sunday, 26 September 2010

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka BAnaadir ayaa faah faahin ka bixiyay maanta howlhaladii Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka warbixiyay howlgalo dhawaanahaan ciidamadda dowlada ay ka wadeen deegmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka gacan ay ku heyso dowladda KMG.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay intii howlgaladaas ay socdeen ay soo qabteen qalab isugu jira waxyaabo qarxa, iyo kuwa Maanka dooriya iyo waliba dad uu sheegay inay ku howlanaayeen inay falal amni dara ah ay ka geystaan degmooyinka dowladda ay ka taliso, wuxuuna tilmaamay in gacan ay ka geysteen ciidamadda nabad sugida soo qaqabashada waxyaabahaas qarxa iyo waliba dadkaasi uu sheegay inay ku howlanaayeen inay falal amni dari ka geystaan degmooyinka dowladda ay gacan ku heyso.

 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan waxaa uu kaloo uu tibaaxay in cadeyn ay ku hayaan dadkaasi isagoo tilmaamay in maamulka gobolka Baanadir ay ka go’antahay inay xaqiijiyaan amaanka degmooyinka ay gacanta ku heyso dowladda KMG kuwaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku soo bateen dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab islamarkaana qaraxyo ka geysan raba.

 

Hadalkaan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mudooyinkii u danbeeyay howlgalo baaritaanaa ay ka sameynayeen ciidamadda dowladda degmooyinka ay gacanta ku heyso.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this