Sign in to follow this  
Deeq A.

Canada Oo Madixiisa Lacag Dul-dhigtay Nin Soomaali Ah Ay Aad U Raadinayso.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Alberta)-Ciidamada booliska gobolka Alberta ayaa sheegay inay ku raad joogaan nin la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo Somalia, waxaana ciidamadu madixiisa dul dhigeen 50,000 oo dollar.

Ninkaan ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerar bilowgii sannadkaan lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku talla magaalada Edmonton, weerarkaas oo lagu dilay hal qof afar kalana lagu dhaawacay.

Ninka Soomaaliga asalkiisu yahay ee loo heysto falkan oo magaciisa lagu sheegay Siciid Cismaan ayaa la soo sheegayaa in qorshaha weerarka uu ahaa in la dilo 10 qof oo u dhashay dalkaasi Canada, walow hal qof oo kaliya uu geeriyooday.

Dadka weerarka soo qaaday oo afar qof ahaa, waxaa hore loosoo qabtay laba kamid ah, iyadoo xoggaha ay sheegayaan in raggaasi gacanta lagu dhigay ay soo hoggaansanaayeen ninkan Soomaaliga oo wali gacanta hay’adaha ammaanka dalkaasi ka maqan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this