Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xaliimo Yarey oo soo jeedisay dalab cusub kadib markii xilka laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo kala diray guddigii ay hoggaamineysan.

Xaliimo Yarey oo xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay xaflad lagu caleemo saaray guddoomiyaha degmadaas iyo golaha cusub ee deegaanka ayaa dalbatay in mar dambe aan loogu yeerin “Guddoomiye Xaliimo Yarey.”

Waxay sheegtay in xilkaas lagu kala baxay, isla markaana ay dalbaneyso in hadda kadib loogu yeero “Xaajiyo Xaliimo Yarey.”

“Caawa wixii ka dambeeya Xaajiyo Xaliimo Yarey iigu waca, waad ogtihiin xilkii guddoomiyaha meesha uu ka baxay,” ayey yiri guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Xaliimo Yarey.

Maamo Xaliimo ayaa intaas uga gaabsatay ka hadalka xilka qaadisteedii iyo guddigii ay hoggaamineysay oo habeen ka hor uu kala diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo cuskanaya sharcigii lagu dhisay guddiga doorashooyinka oo dhigayey in lix sano ka badan uusan jiri karin guddigaas, ayaa habeen ka hor burburiyey go’aan uu Farmaajo muddo kordhin ugu sameeyey guddigaas.

Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha faray inuu soo dhiso guddi doorasho oo cusub, kadib markii uu dikreeto ku kala diray guddigii ay hoggaamineysay Xaliimo Yarey ee doorashooyinka oo horay u dhameystay muddo xileedkii sharciga ahaa.

Hoos ka daawo hadal jeedintii Xaliimo Yarey 

The post Daawo: Xaliimo Yarey oo soo jeedisay dalab cusub kadib markii xilka laga qaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this