Sign in to follow this  
Garaad Bari

Wareegto mamnuucayso dhoofinta Dhuxusha

Recommended Posts

Baydhabo (PP) - Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee Baydhabo ayaa lagu sheegay inaan dalka laga dhoofin karin wax dhuxul ah; isla markaana la joojiyo xaalufinta dhirta.

 

Wareegtadaan ayaa waxaa lagu sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya si weyn uga walaacsan tahay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliya, waxaana dowladdu ay uga digta kuwa wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha inay ka digtoonaadaan howlahaas dhoofinta dhuxusha ah.

 

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidammada dowladda ay si toos ah iyo si aan toos ahayn uga hortagaan dhoofinta dhuxusha isla markaana ay baaritaanno ku sameeyaan goobaha dhigta laga jaro, ayna tallaabo ka qaadaan kooxaha wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.

 

Wareegtadaan lagu mamnuucayo jaridda dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo ka soo baxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana tani ay u muuqtaan inay dowladdu xoogga saarayso inay joojiso waxyaabaha sharci darrada ah oo dhan.

 

Dhanka kale, Wareegtadaan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay ka socdaan dekedaha macmalka ee Ceel-cadde iyo Dekedda Baraawe dhoofinta dhuxul aad u fara badan oo ay dhoofinayaan ganacsadto Soomaaliyeed.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa wareegto runtiii aad loogu farxo, waxaynu wada ogsoonahay baabi'inta iyo xaalufinta dhulka lagu hayey 16 sano ee lasoo dhaafay, inkastoo shacabka sooaliyeed qaarkii xilkasnimo wayn ka mujiyeen joojinta xaalufinta hadana laguma guulaysan in la joojo.

 

waxaan rajayn in wareegtadani hirgasho dawladuna aanay ka hadhin ilaa ay dabargoyso ficilkan foolxumada badan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this