Garaad Bari Posted February 16, 2007 Baydhabo (PP) - Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee Baydhabo ayaa lagu sheegay inaan dalka laga dhoofin karin wax dhuxul ah; isla markaana la joojiyo xaalufinta dhirta. Wareegtadaan ayaa waxaa lagu sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya si weyn uga walaacsan tahay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliya, waxaana dowladdu ay uga digta kuwa wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha inay ka digtoonaadaan howlahaas dhoofinta dhuxusha ah. Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidammada dowladda ay si toos ah iyo si aan toos ahayn uga hortagaan dhoofinta dhuxusha isla markaana ay baaritaanno ku sameeyaan goobaha dhigta laga jaro, ayna tallaabo ka qaadaan kooxaha wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha. Wareegtadaan lagu mamnuucayo jaridda dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo ka soo baxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana tani ay u muuqtaan inay dowladdu xoogga saarayso inay joojiso waxyaabaha sharci darrada ah oo dhan. Dhanka kale, Wareegtadaan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay ka socdaan dekedaha macmalka ee Ceel-cadde iyo Dekedda Baraawe dhoofinta dhuxul aad u fara badan oo ay dhoofinayaan ganacsadto Soomaaliyeed. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted February 16, 2007 waa wareegto runtiii aad loogu farxo, waxaynu wada ogsoonahay baabi'inta iyo xaalufinta dhulka lagu hayey 16 sano ee lasoo dhaafay, inkastoo shacabka sooaliyeed qaarkii xilkasnimo wayn ka mujiyeen joojinta xaalufinta hadana laguma guulaysan in la joojo. waxaan rajayn in wareegtadani hirgasho dawladuna aanay ka hadhin ilaa ay dabargoyso ficilkan foolxumada badan. Quote Share this post Link to post Share on other sites