Deeq A. Posted November 22, 2022 Mararka qaar naftu ma ku dirtaa oo wax qor ma ku tidhaa. Garashadaada ma carisaa oo muuqaal maskaxeedyo ma isku dubarridaa. Ma moodaa in rabitaan xoog badan oo waxsoosaar dhinaca maskaxda ah, naftu kugu dirqiyayso, haddana hiyigu ku hakinayo. Doonistaas xoogga lihi adiga oo uba hoggaansan, misana dhinac aad ka bilawdo ma garan waydaa. Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites