Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh maanta ku soo arkay dekedda Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Dekadda Muqdisho ayaa “adkeeyay muhiimadda dardargelinta hawlaha shaqo ee Dekadda si kor loogu qaado dakhliga dowladda.”

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda ee loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna faray hawl-wadeennada in iyaga oo ilaalinaya qaanuunka dowladnimada ay si wanaagsan ugu shaqeeyaan dadka Soomaaliyeed, loona fududeeyo adeegyada uga xiran Dekadda.

“Wax kasto oo shaqo ah sidii loo qaban jiray waa in si ka duwan loo sameeyo si aan u helno wax ka wanaagsan waxa aan heysano,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay muhiimadda ay ilaha wax soo saarku u leeyihiin dowladnimada ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha Dekadda Muqdisho in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan kobciyo dakhliga wax soo saar ee dalka.

Dhankooda, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Cabdullahi Axmed Jamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Sadaam Maxamuud iyo Maareeyaha Dekadda ayaa Madaxweynaha siiyay warbixin ku saabsan sida ay u socdaan hawlaha shaqo ee Dekadda iyo qorshaha hortebinta u leh ee ay doonayaan in ay ku horumariyaan hawlaha Dekadda.

315561954_527463076091503_67499979166213 316125781_527463042758173_66482166823416 316284165_527463039424840_89135037562236 dekedda-muqdisho-dakada.jpg x.jpg xasan-sheekh-iyo-dekedda.jpg1_.jpg xasan-sheekh-qq.jpg

The post Sawirro: Muxuu Xasan Sheekh maanta ku soo arkay dekedda Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this