Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Dhex-Maray Ciidammada Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Taliyaha Guutada 135aad ee Ciidamada Somaliland ee aaga Buuhoodle Gaashaanle Sare Cabdillaahi Dhagaweyne, oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Sahan, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland soo weeraray Ciidanka Somaliland oo nabadgalyada sugaya.

“Ciidanka Puntland ayaa soo qaaday weerar oo laba garab ah, garab qaybta booliiska ah oo uu taliyihii qaybtu wato, qaybna waxay ahayd qaybta Daraawiishta, dagaal ayaa halka ku dhex maray, ciidankaas nabadgalyada sugayay iyo nimankaas” ayuu yidhi Gaashaanle Dhagaweyne.

Gaashaanle Sare Dhagaweyne ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana Ciidanka Somaliland ay dagaalka ku qabsadeen baabuur dagaal.

“Dagaalkaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawacba waa yeeshay, dhankooda intaanu ka warhayno 3 dhimasho ah iyo 7 dhaawac ah ayaa la sheegayaa, Somaliland nin askari ah ayaa dhaawac ka ah, 3 gaadhi oo laba tikniko tahayna waa laga qabtay Puntland” ayuu yidhi Gaashaanle Dhagaweyne.

Waxa uu sheegay in markii dagaalku dhacay ay Ciidamada Somaliland ka shaqaynayeen sugida nabadgalyada Buuhoodle, oo shaqaaqo beeleed ka dhacday, isla markaana Ciidanka Puntland uu dhinaca kale ka joogay magaalada, kadibna Ciidamada Puntland ay soo weerareen Ciidanka Somaliland xili ay sugayeen amaanka odayaal dhaqameed deegaanka soo gaadhay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this