Sign in to follow this  
Deeq A.

Maki Xaaji Banaadir iyo Kaftanka London

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20221122-WA0000.jpg?resize=385%2C236Maki Xaaji Banaadir wuxuu ku boorriyay Soomaalida London inaysan dalkooda illoobin.

Sanadkii 1993 waxaan tagay bandhig faneed ay ka qeybgaleen xubno ka mid ahaa hobollada Waaberi. Khadiijo Qalanjo, Axmed Diyaar Ismaaciil, Maadeey Sheekh iyo Nimco Yaasiin Caraale ayaa ka mid ahaa fannaaniinta ka qeybgashay bandhig-faneedka. Fannaantii bandhig faneedkii 1993kii ka qeybgalay badankood hadda waa hawlgab. Ku dhowaad 30 kaddib xaflad u eg bandhig faneedkaas ayaa toddobaadkii hore London loogu qabtay Maki Xaaji Banaadir, abwaan fanka Soomaalida muddo ku soo jiray. Maki wuxuu ku kaftamay in lix qof oo Soomaaliyeed oo wada socota London ay 4 ka mid ah la ildaran yihiin “waallida dhaqanta”.

Dad badan oo uu buufis ku dhacay way joogaan London laakiin tirada dadka Soomaaliyeed ay wax u dhiman yihiin (xanuunsan nafsi ahaan) way yaraatay. Joojintii jaadka (khaadka) ayaa ugu wacan in hurdo-yaradii qayilaaddu sababi jirtay ay hoos u dhacday.

London waxaan imid dhammaadkii 1990kii. Waxaan xusuustaa xilli war dhowr bilood jira ku saabsan Soomaaliya uu war noo ahaa 1991-1999. Qofka ka yimaada Soomaaliya wuxuu ahaa qof warkiisu ka weyn yahay kan Laanta af Soomaaliga ee BBC oo xilligaas aan laga dhegeysan karin London. Soomaalidu xaflado badan iskuguma iman jirin sida hadda.

Welwelka Soomaalida London haya wuxuu ku saabsan yahay dhaqan-gaddoonka carruurta kaga imanaya dugsiyada hoose iyo sare, halkaas oo lagu fidiyo farriimmo lid ku ah guurka (carruurta waxaa loo sheegaa in ilmuhu laba aabbe ama laba hooyo yeelan karo; in ilmuhu hadduu doono lab ama dheddig noqon karo). Ma jiro baraarug weyn oo ku saabsan dhaqan beddelista faraha ba’an ku haysa carruurta Soomaaliyeed. Welwelkani wuu ka weyn yahay walaaca waalidku ka qabo in carruurtu diiddo inay sii wadaan taageerada waalidku u diro Soomaaliya: carruurtu ma dareensana in dal iyo dad waxtar uga baahan ay jiraan. In dhasha qaangaarka ah lagu boorriyo inay yabooh u diraan ehelkooda Soomaaliya ayaa fiican.

Faca aan ka mid ahay waxaa ka dambeeyay fac dowlad la’aan ku barbaaray iyo fac qurbe ku barbaaray. Iska warhayntu way yar tahay qurbaha. Maki Xaaji Banaadir wuxuu la yaabay in maalin dhan ay ku qaadatay isaga inuu degmo London ka mid ah qof ku booqdo. Maki wuxuu deggan yahay hadda South Harrow (Galbeedka London). Waa sidii i qabsan jirtay markaan London imid 1990kii.

Soddon sano ka hor maanta wararka Soomaaliya waxay ku saabsanaayeen macaaluushii Koonfurta ka taagnayd. Hadda Wararka Soomaaliya waxay badankood ku saabsan yihiin dagaallo iyo abaaro. Eebbe ha ina asturo dhammaanteen.

© Puntland Post, 2022

The post Maki Xaaji Banaadir iyo Kaftanka London appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this