Sign in to follow this  
Deeq A.

Saynisyahanka Itoobiyaanka Ah Ee Biyaha Ka Raadinaya Dayaxa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Injineer Berhanu Bulcha oo ah cilmi baadhe u dhashay Itoobiya isla markaana noqday muwaadin Maraykan ah, ayaa ku hawlan sidii uu u heli lahaa biyaha la tuhunsan yahay inay ku jiraan badka dayaxa.

Ujeedkiisu waa in aadanaha ay hooy waara ka samaystaan dayaxa, waana taa sababta ay muhiimka u tahay in laga helo biyo ku filan dadka halkaa loo wado.

Hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee Nasa ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dirtay dayax-gacmeed lagu magacaabo Artemis 1, si uu u billaabo sahanka ku saabsan sidii bani’aadanka uu markale u tegi lahaa dayaxa.

Arrinta ah sidii dayaxa lagu gaadhsiin lahaa biyo ayaa muhiimad gaar ah leh. Dr Berhanu iyo kooxdiisa ayaa ku hawlan sidii biyo ku filan oo joogta ah looga heli lahaa dayaxa la damacsan yahay inuu hooy cusub u noqdo bani’aadanka.

In biyo laga qaado dhulka oo la geeyo dayaxa ayaa lagu tilmaamay qorshe uu kharash badan ku kici doono, isla markaana aan la joogteyn karin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this