Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka UAE

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah la qaatay danjiraha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Amb. Ahmed Jumah Alromaith.

Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka Carabta oo Guddoomiyaha salaan uga siday shacabka iyo dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’antahay garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya isla markaana lasii adkeeyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta ku boggaadiyay dadaalada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka fulisay, isagoona danjira ku booriyay adkeynta xirirka soo jireenka ah ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka UAE appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this