Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu heavy fighting erupts

Recommended Posts

Dagaal Xoogan oo Saakay ka Bilowday Muqdisho oo ilaa ahaatan Soconaya

 

Dagaal Xogan oo la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala Gedisayn ayna bar bar socoto Duqeyn ayaa ilaa iyo iminka k asocota Isgoyska Florenca ee Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku hardamayaan Xogaga Islaamiyiinta iyo ciidamada Dowlada Itoobiya .

 

Xoogaga hubeysan ee Diidan Siyaasada Dowlada Iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa weerar ku qaaday Halka Loo yaqaano wasaarada Gaashaan dhiga oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwo ka tirsan Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya .

 

Dagaalka oo ay la socoto Duqeymo ayaa ilaa iyo iminka waxaa uu ka dhacayaa Afaafka Hore Ee Fariisimaha La Isku Haysto waxayna Ciidamada Itoobiya Ku soo jawaabayaan madaafiicda Cul culus oo ay ku soo ridayaan Meesha ay isdhahaan Xabad ayaa idinka soo dhacday .

 

Inta la ogyahay ayaa Dagaalkan waxaa ku geeriyootay inkabadan 7Qof in ka badan 35Qofna waa ay ku dhaawacmeyn waxana gaadiidka Gurmadka Ee Loo yaqaan Ambalasyada waxay ka dhaxqaadayaan dhaawacyada Goobaha Dagaalka ka dhacayaan .

 

Dadka Qaar kii ayaa ku dhaawacmay Stadium ka Muqdisho ka dib marki uu ku soo dhacay Qaar ka mid ah hubka Culculus ee ay ciidamada Itoobiya ku jabaabayaan Rasaasta ay ku turayaan Qaar kamid ah Xoogaga hubeysan .

 

Si kastaba ha ahaatee oo ka baxay Fariisimo waaweyn oo ay muqdisho ku leeyihiin ayaa waxay ku sugan yihin Isgoyska Florensa qaar koodna waxay ku jiraan Xarunta madaxtooyada halkaasi oo ay boorsooyinmooda ku xirxiranayaan .

 

Balse kuwo Maalmihii ugu dambeeyay ka baxay magaalada ayaa waxay ku sugan yihin Wadada u dhaxeysa muqdisho iyo Afgooye agagaarka Deg Afgooye Halkaasi oo ay farisin ku leeyihin waxaana lagu wadaa in ay isaga baxaan Dhamaan Gudaha Dalka.

 

Max’ed Xuseen Gentleman

SBCInternational- Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this