Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Odayaasha Muqdisho oo war ka soo saaray xubnaha loo magacaabay G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan oo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan ay ku soo dhaweeyeen magacaabidda xubnaha maamulka gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa si gaar ah u amaanay xulashada madaxweynaha ee guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir oo xalay la magacaabay.

Ugu horeyn Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa yiri, “Laga soo bilaabo magacaabidii guddoomiye Yuusuf Madaale iyo ku xigeenadiisa oo saacadihii lasoo dhaafay lasoo dhameystiray, waan ka mahad naqeynaa magacaabidaan oo waa ragii mudnaa, intooda badan ragaan shaqada waa yaqaaniin, waxaan ka rajeynayaa in shacabka gobolkaan ay yihiin madaxdii anfici laheyd.”

Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ka mid ah hoggaanka odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey xulashada xubnahaan cusub.

“Markaan ayuu dhameystiran yahay maamulkii aan u rabnay gobolkaan Banaadir, howl badan ayay u baahan tahay Xamar, soo dhawaada oo shaqo muuqata qabta ayaan leenahay masuuliyiinta cusub,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Muqdisho.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka beelaha Mogadishu Clan ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee maamulka gobolka Banaadir in dad daalan, magaalo ami darro badan wajaheysa, dadkeeda gardaro lagu dilo maalin kasta loo soo magacaabay, oo dhibaatadaan ay wax ka qabtaan, inta ay heystaan fursadaan la siiyey.

Odayaashaan ayaa madaxweynaha ugu duceeyey inuu la garab galo hoggaaminta dalka oo talada wanaagsan uu Alle haleeshiiyo, “Soomaalidu madaxda waa habaartaa, islaamka kale wuxuu nooga fiican yahay madaxdooda waa u duceeyaan, xitaa hadii ay wax ka qaldamaan si Alle u toosiyo, yaan la habarine haloo duceeyo madaxda, sababtoo ah madaxweynuhu waa darawal gaari oo kale,” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Odayaasha Muqdisho oo war ka soo saaray xubnaha loo magacaabay G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this