Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Soomaaliya oo dilay laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
danab.jpg?resize=678%2C381&ssl=1

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab sida ay tebisay wakaaladda SONNA.

Ciidamada ayaa Hawlgalkaas ka fuliyay Tuulada lagu magacaabo Dhursheen oo qiyaastii 35km u jirta degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Wakaaladda SONNA oo xiganaysa mas’uul degaanka ah ayaa sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo kamid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab.

Labada horjooge ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta  Lacagaha baadda ah iyo jidgooyooyinka sida ay ku warrantay SONNA.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Soomaaliya oo dilay laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this