Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Hero Abdullahi Yusuf Ahmed returns an elder I am glad to be home PICS

Recommended Posts

IMG_1344.jpg

 

Garowe: " 6 Sano ka hor, markii aan idinka aaday Shirkii Kenya, Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ku soo laabto dalkeyga iyo dadkeygii, anoo ah Shaqsi" Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed.

29. december 2008

 

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee xarunta dalka Puntland, waxaana soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo iskugu jira Isimo, Siyaasiin, Ururada Bulshada rayidka, dawladda Puntland iyo Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee Puntland.

 

Madaxweynihii hore waxaa maanta uu ka duwanaa meelihii uu hore ee uu soo gaari jiray deegaanadan Puntland, wuxuuna ku faraxsanaa in uu maanta ku soo laabto deegaanada dawladda Puntland, waxaana ay dad badan oo ku dhaqan Magaalada Garowe sheegeen in ay tahay maalin qadarin mudan.

 

Mudane Yuusuf wuxuu salaan balaaran ujeediyey dadka ku dhaqan deegaanada Puntland, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadgalyada, Yuusuf ayaa lafilayaa in uu kulamo la qaato Madaxda Puntland, Musharaxiinta iyo Isimada Puntland oo uu kala hadlayo xaaladaha Soomaaliya iyo Puntland.

 

Dad fara badan ayaa hortagay Xarunta Madaxtooyada Puntland oo ay galeen Madaxda dawladda Puntland iyo Madaxweynihii maanta xilka iska casilay Madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana uu hadal ujeediyey Shacabkii iskugu soo baxxay Madaxtooyada, isagoo ugu baaqay in ay is dajiyaan ayna xaaladu ku soo dhamaatay jawi wanaagsan.

 

kala soco kulamada Madaxweynihii maanta iscasilay Mudane C/laahi Yuusuf Axmed www.AllPuntland.com

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo si weyn loogu soo dhoweeyey Garowe

29 Dec 29, 2008 - 4:02:43 AM

 

Qaybo kamid ah dadkii soo dhoweeyey Cabdulahi Yusuf

Madaxweyne Yusuf oo xilka iska-casiley maaanta 29 Dec,2008 ayaa waxaa uu ka soo dagay garoonka diyaarada Conoco ee ku yaal duleedka magaalada Garowe.

 

Garoonka diyaaradaha Conoco ayaa waxaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha xilka ka tagey Cadde Muse, ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan murashaxiin Puntland.

 

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa si-weyn ugu soo dhoweeyey magaalada Garowe dadweyne farabadan kuwasoo ay ka muuqatey xamaasad ku aadan qaabka Cabdulahi Yusuf ugu soo dagay xilka uu iska casiley.

 

 

Dadweynihii soo dhoweeyey Cabdulahi Yusuf

Cabdulahi Yusuf oo galay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu albaabka hore kula hadley dadweynihii ku soo dhoweeyey Garowe isaga oo halkaas ka jeediyey hadal gaaban.

 

'Waad salaamantihiin dhamaantiin lix sano kahor ayaan idinka tagey, howl ayaan aadey, howshiina waa ii soo dhamaatey maantana idinka ayaan idinka mid ahay."

 

Madaxweynihii Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka hor-sheegay mudanayaasha Baarlamaanka inuu iscasilay, isagoo hadal kooban ka jeediyay fadhigii maanta.

 

Yuusuf, wuxuu sheegay inuu xilka ka tagay, isagoo warqadiisii iscasilaada si toos ah ugu wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo garabkiisa taagnaa.

 

"Sidii aan horay idin kaga balan qaaday, markaad i dooranayseen, howshii waan wadi waayay, idinka ayaana idiin soo celiyay, maadaama aan saas idinka balanqaaday" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo hadal kooban jeediyay.

 

C/llaahi Yuusuf, wuxuu sheegay in go'aanka uu isku casilay uu ahaa mid uu isagu gaaray, kadib markii uu la tashtay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka iyo la taliyeyaashiisa.

 

Radio Garowe,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Will the Puntland elections get cancelled now? I know you think the guys in your signature are lions lakin bahalki ba soo noqday, saaxib. What can poor lions do in the face of a bahal? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ If Kashafa was replying he would say: straight to jahanam. :D

 

If Caamir was replying, he would say: Straight to Laas Canood. :D

 

Disclaimer: Both destinations must NOT be confused with the other.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^ :confused: at the comparison between Jahanam and Lascanood..Explain yourself Ngonge? :mad: smile.gif

 

 

Why ask about the route? Are you planning something yaa Che? icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

^Oh!, you should have written the disclaimer in bold,as the lenses am wearing today,needs things to be written in BOLD,you know especially when LA is mentioned.. icon_razz.gif:D

 

ps.Awaiting the telling off from MMA for loving a tuulo. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Che, the huge foreign army shall not intimidate or harm the public as they march in convoys to Puntland. I guess the northern long tarmac road of Bal'ad.

 

 

Mr. President welcome home.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He will be elder statsman. He is retiring from Politics for good. I am surprised, NG, your being sarcastic. Don't you think this is excellent move by A/Y? Really unexpected for those who know him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Malika, Ngonge is getting fretful with the return of P-landers. He knows Las Anod would return to Puntland sooner or later. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGOONGE: Yusuf has retired for good and the election will continue.

 

Che, adeer the troops in Mogadishu will relocate, they will move North or through the Somali region of Ethiopia as they came.

 

Also the whole of the Puntland MP's have leanded in Galkacyu.

 

Anyhow President Yusuf recieved a hero's welcome today and Puntland is glad he is home..

 

Welcome home Sir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Will he not at least campaign for his chosen candidate? Is that it? In with a bang, out with a whimper? Say it aint so, saaxib, say it aint so...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this