Sign in to follow this  
Deeq A.

Wallahi waa ayaan darro wayn in sharcigii dalka ee nidaamka xisbiyada badan laga dhigto shax siyaasadeed oo qof ku sii haysto kursiga!

Recommended Posts

Deeq A.   
Wallahi waa ayaan darro wayn in sharcigii dalka ee nidaamka xisbiyada badan laga dhigto shax siyaasadeed oo qof ku sii haysto kursiga! ANAGU DALJIR AHAAN TAAS BAANU DIIDNAY! Waa marka aad sii yaqiinsanayso, adiga oo awalba ogaa, in masaafada geeddiga dheer ee ay inoo jirto dawladnimadu ay aad u fogtahay, waxa ka daran in hogaankii aynu aaminay sii fogaynayo halkii ay ka soo dhawayn lahaayeen; ma nin caruurtiisa xumaynaya ayaa laga qaban karayaa!
waar taas halgan ma u galaa mise adna markaaga ayaad rabtaa in aad hesho iyada oo dagan oo dayacan si aad uga taajirto! waar bi’ waayee ila soo xidhiidha aynu meesha ka kacnee! Ma aha tani mucaaridnimo iyo muxaafidnimo toona! Waa halgan magac iyo taariikh aynu ka helayno laakiin aan manfac ku jirin; mustaciddiin!! Yaa diyaara! Inbox ka soo dir fariinta!
Cabdi Cali Jaamac
prof.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this