Sign in to follow this  
Cowke

Kufsigii ugu Naxdinta iyo Yaabka Badnaa oo Hargeysa ka Dhacay

Recommended Posts

Cowke   

Kufsigii ugu Naxdinta iyo Yaabka Badnaa oo Hargeysa ka Dhacay

March 2, 2010

 

Qisadan waa mid ka yaabisey qofkasta, waxaana qorey Joornaalka Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa, waxaana u soo daabacney in waalidiinta caruurtu ay ku baraarugaan falalka naxdinta leh ee hareerahooda ka dhacaaya:

 

Kufsigii ugu naxdinta iyo yaabka badnaa ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii la faraxumeeyey gabadh yar oo jirta 7 bilood iyo wiil ay walaalo yihiin oo isagana da’diisu tahay laba sanno iyo badh.

 

Labada carruur ah ee la faraxumeeyey oo falkaas axmaqnimada ah dhaawacyo culus ka soo gaadheen oo hadda lagu daaweynayo cusbitaalka Guud ee Hargeysa, aya sida la sheegay waxa arrintaas ciidammada boolisku u qabqabteen dhawr nin oo lagu xadhiidhinayo inay ka dambeeyeen falka cadowtinimada ah ee lagula kacay ubadka saqiirka ah.

 

Agaasimaha Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana madax ka ah qaybta baadhista iyo la socoshada tacadiyada ka dhasha kufsiyada Mr. Axmed Daahir Aadan oo koox weriyeyaal ah shalay subax kula kulmeen gudaha cusbitaalka, ayaa xaqiijiyey in carruurtaas yaryar ee walaalaha ah lagula kacay faraxumayn cadowtinimo waxyeello weyn ka soo gaadhay.

 

Mr. Axmed Daahir waxa uu xusay in falkani yahay kii ugu horreeyey noociisa ee lagu faraxumeeyo wiilka iyo gabadhan walaalaha ah oo noqonaya carruurtii ugu da’da yaraa taariikhda ee soo mara Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

 

Agaasimuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in wiilka iyo gabadha walaalaha ah oo cusbitaalka la geeyey Jimcihii toddobaadkan loo geystay kufsi dhaawacyo culus ka soo gaadheen labadoodaba, isagoo dhinaca kalena shaaca ka qaaday inay sii kordhiyaan falalka kufsiyada ah ee ka dhaca caasimadda Hargeysa.

 

“Arrinta kufsigu waa wax si weyn inoogu soo kordhaya, waxyaabo aynaan dhaqan u lahayn, waxaabaynu maraynaa maanta in carruur yaryar oo 7 bilood jira in la keeno cusbitaalka oo kufsi loo gaystay, waa laba carruur ah oo walaalo ah oo gabadh 7 bilood jirta iyo wiil laba sanno iyo badh jira, waxaana loo gaystay dhibtaasi oo ka muuqata, waxaanay iminka yaalaan cusbitaalka oo la keenay Jimcihii. Way jiraan kufsiyada noocan ahi oo waxa la arkay 3 sanno, 7 sanno , laakiin dhacdadani waa da’dii ugu yarayd.

 

Waxaannu codsanaynaa in la sameeyo wacyigelin fara badan, gaar ahaan warbaahintu, waa arrin aan loo dulqaadan karayn oo carruur aad u da yar ayaa la keenayaa, waxaanan qabaa in carruurnimada aanay waxba sheegi karin lagaga faa’iidaysanayo,” ayuu yidhi Dr. Axmed Daahir, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan maqli jiray inanka geel jiraha ah oo caano ka dhergay ayaa wax samayn jiray, kadibna dalkaba wuu ka tagi jiray oo wuu baxsan jiray, iminka qofkii dhibtaa gaystay ayaa is difaacaya oo mararka qaarkood lagu odhanayaa waxba kama jiraan.”

 

Agaasimuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey xafiis loogu talogalay inuu ka shaqeeyo falalka kufsiga oo laga sameeyey cusbitaalka Guud dhexdiisa, kaas oo hadda gacanta ku haya falka kufsiga ah ee loo gaystay labada carruur ah ee yar yar.

 

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xafiiska SARC waxa loo sameeyey inuu ka shaqeeyo arrimaha kufsiga, gaar ahaan dumarka oo loo keenay hablo baadhitaan ku sameeya, waxaana iska shaakada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda UNDP. Runtii xafiiskani waxaad moodaa inuu faa’iido badan leeyahay, waayo qofkii dumarka ahayd qof la jinsi ah ayaa waraysanaysa oo qaadaysa oo maxkamadda gaynaysa. Dadweynahana waxaannu ku dhiirigelinaynaa cidii dhibtaa la kulanta inay xafiiskan yimaadaan oo ay ka helayaan caafimaadkii, booliskii iyo baadhitaankiiba, waxaannu xafiisku ku dhexyaalaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa.”

 

Inkasta oo aan ilaa hadda xogo sugan laga hayn sida uu u dhacay falka axmaqnimada iyo nacasnimada leh ee lagula kacay ubadkaas iyo cidda fulisay toona, haddana sida aabbaha carruurtaas iyo adeerkood oo shalay ku sugnaa gudaha cusbitaalka Guud u sheegeen suxufiyiinta labadan carruurta ah oo ka soo jeeda qoys kala tegay, waxa faraxumaynta lagula kacay xilli ay gacanta ku haysay hooyadood oo sida la sheegay badhtamihii toddobaadkii hore kala soo wareegtay ayeydood aabbo o haysay, balse afar maalmood kadib markale hooyadood dib ugu celisay gacanta ayeydood, isla markaana ku wargelisay in carruurtu xannuunsanayaan, una raadinayso daawooyin dhakhtar u soo qoray, laakiin aanay dib ugu soo noqon ilaa hadda.

 

Waxa kale oo ilahaasi xuseen in markii ayeydood ka dareentay carruurta xaalad caafimaad-darro iyo oohin aan joogsi lahayn darteed isku dayday inay baadhis dhinaca jidhka ah ku samayso kadibna ku baraarugtay dhaawacyo culus oo ku yaal labada ubad ah, dabadeedna ula carartay dhinaca cusbitaalka, sidaana lagu ogaaday in waxyeellada soo gaadhay carruurtaasi ka dhalatay faraxumayn aan weli la caddayn siday u dhacday iyo cidda geysatay midna.

 

Haseyeeshee, sida wararku tibaaxeen waxa falkaas u xidhxidhan dhawr nin oo lagu tuhunsan yahay masuuliyadda tallaabadaas yaxyaxa iyo foolxumada leh ee lagula kacay gabadha toddobada bilood jirtay iyo wiilka yar oo isagana da’diisa lagu sheegay laba sano iyo badh.

 

Dhacdadan la yaabka leh, ayaa dad badan ku abuurtay argagax iyo fajiciso maskaxdooda ka dhaadhiciwayday, marka lo eego da’da carruurta la faraxumeeyey oo ah kuwo aanay weligood xataa ku riyoon in wiil rag u hunguroodo.

 

Geesta kale, saraakiisha laanta baadhista dambiyada ciidanka booliska (CID-da) oo sida la sheegay iyagu gacanta ku haya eedaysanayaasha u xidhxidhan falkan oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno xalay cawayskii si wax looga waydiiyo xogaha la xidhiidha faraxumaynta lagu kacay walaalaha abaydinka ah iyo cidda lo ohayo, ayaanay noo suurtogelin.

 

Xigasho: Jamhuuriya Newspaper

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

I suggest snm pass over that girl u holding in burco and if she is harmed your in big trouble. Because 10 snm and 4 cars still being held in bendar bayla district.

 

We always knew their is pedofile ring there. Like i said the other day in this forum and now it's backed up. My family are very deep inside somalia politics and tell me everything

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Cowke, alias baalaxoofto, how many threats you dish out on an hourly basis. At least turn one of them into action so that you are taken seriously. Ninku hanjabaad badanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Abtigis..that 7 month old baby is in hargeisa she is your ppl not mine..lakin tan burco lagu haayo..i suggest u make sure u pass her over..we wont pass those trucks over

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

General Fake...

 

This story is run by horseedmedia

http://horseedmedia.net/2010/03/kufsigii-ugu-naxdinta-iyo-yaabka-badnaa-oo-hargeysa-ka-dhacay/

 

Let me give u background check of horseedmedia the leading somali media

On 2008, Horseed Media became the first Somali Media selected for the United Nations Journalist Progamme, an annual programme for broadcasters and journalists from developing countries at UN Headquarters (New York) for a period of six weeks.

 

Established in 1980 by the General Assembly, it aims at providing journalists from developing countries an opportunity to acquaint themselves with the work of the United Nations and cover United Nations activities on behalf of their news organizations.

 

Horseed Media, was selected to represent the Somali Media at the UN headquarter, during the 63rd session of the General Assembly.

 

During this period Horseed Media representative was able to meet and interview the Secretary General of the United Nations Mr.Ban Ki Moon, and also a significant number of Un secretariat including the heads of UN agencies.

You can verify that here with pictures.

Horseed About Us Page

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Cowke's signature reads Puntland Always And Forever. So Help Me God.

 

Duke's signature reads The Future is bright, the future is Puntland

 

Cowke is the younger brother of General Duke. :D

 

Waryaada, war stop hoodwinking us by calling each other fake. It is true you represent a fake entity, but you as cyber souls are real.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Abtigis. I got nothing to do with duke. I just know alot of stuff before it even hits the media!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Cowke is a sad, shamefull copy. His whole aim here is to pretend to be a Puntlander and make the people of the state look bad.

 

Its a weak strategy, weaker than the prisoner who is looking for a warden position. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cowke:

Abtigis. I got nothing to do with duke. I just know alot of stuff before it even hits the media!!!

Yeah right, everyone can see through you Mr Fake Puntlander. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Indeed, he doesn't call people that. But who did Cowke call a pedophile? War Cowke wuu sumaysan yahay. But I like how he says he gets information before it hits the media.

 

Cowke represents Puntland. That is what he told us and we take his words.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this