General Duke Posted October 4, 2007 Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartay Xaalada Amniga ee Gobalka Sool Last Updated::2007-10-04 12:50:44 Laascaanood (HRNet):-Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, dhaqanka iyo dalxiiska ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda Gobolka Sool. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Mudane C.raxmaan Maxamed Saalax(Bangax) ayaa gaaray Gobolka Sool Gaar ahaana Magaalada Laascaanood, wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Raxan Weriyayaal ah oo isugu jira kuwa ka howlgala Gobolada Puntland iyo caalamka sida BBc. Wasiirka ayaa waxa uu ka warbixiyey xaaladda gobolka Sool oo maalmahanba ay sheeganayeen haysashadeeda Maamulka isku magacaabay Soomaaliland. Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dadaal xoog ah wadaan Isimada Gobolka oo uu horkacayo Garaadka guud ee Garaad Jaamac Garaad Cali oo ay ka mid yihiin Garaad saleebaan iyo Garaad abshir, sidii ay xal nabadeed loogu heli lahaa dagaaladaasi. Wasiirka ayaa waxa uu ka soo sheekeeyey taariikhda sooyaalka ah ee ay caanka ku yihiin Goboladaasi. Wuxuuna intaasi raaciyey in ay muqadas tahay jiritaanka sugidda xuduudaha Puntland oo ah waajib saaan dowladda iyo shacabka, wuxuu kaloo wasiirku intaa ku daray in aanay goboladaasi mar walba ku dadaalayaa sidii ay midnimabdooda u adkayn lahaayeen iyo siiba jiritaanka soomali weyn. Wasiirka ayaa warsaxaafadeedkiisa sheegay ka dib shirkii caadiga ahaa ee khamiislaha ahaa ee todoobaadkasta ay yeeshaan xukuumadda kaasi oo maanta lagaga hadlayey si gaar ah arrimaha Ammniga gaar ahaana xaaladda Gobolka sool. Wuxuuna wasiirku intaasi ku sii daray isagoo weli hadalkiisa sii wata in ay sool tahay hoygii xoriyada soomaaliyeed ahna meeshii uu ka bilowday halgankii xoraynta soomaliya ee uu Hoggaaminayey Sayid Maxamed Cadulle Xasan oo lagula dagaalamayey Gumeysigii Ingiriiska muddo ka badan Labaatan Sannadood, taasi ayaa kuu daliil ah in sool ay tahay soomalidoon ee aanay ahayn soomaalidiid, waxayna bulshada reer sool markasta ka soo horjeedaan nin kasta oo soomaali kala faquuqaya,kana shaqaynaya kala fogaynta Soomaaliya. Ugu dambayntii wuxuu sheegay wasiirku in ay xasiloon tahay Magaalada Laascccnood iyo Nawaaxigeedu,ciidamada Puntland ay joogaa goobahoodii hore. Faisa Cabdi Dhalac HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 4, 2007 Magaalada Laascaanood oo saaka degan iyo ciidanka Puntland oo howgalo ka wada Last Updated::2007-10-04 12:20:34 Laascaanood:- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta golabka sool ayaa ku soo waramaya in saaka ay magaalada xasiloon tahay uuna ganacsiga u socdo si caadi ah waloow laga baqayo in dagaal uu ka qarxo duleedka magaalada oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada S/land iyo kuwa Puntland. Waxaa magaalada gaaf wareegaya Ciidamada booliska iyo milateriga ee dawlada gobaleedka Puntland oo si wada jir ah uga wada magaalada Laascaanood iyo degaanada ku dhaw dhaw hawl galo balaaran oo ay ku xoojinayaan amaanka magaalada Laascaanood . Ciidamada ayaa waxaa ay xoojinayaa amaanka xarumaha dawlada iyo kantaroolada laga soo galo magaalada Laascaanod iyaga baaraya baabuurta soo galaysa magaalada amase ka baxaysa Ciidamada oo wata baabuurta gaashaaman ayaa waxaa ay roondooyin ku marayaan wadooyinka magaalada iyaga oo si weyn loo arkayo baabuurta tiknikada oo magaalada buux dhaafisay. Hawlgalkan ay ciidamada Puntland ay ka wadaan magaalada Laascaanood ayaa ka dameeyay kadib markii ay wax garadka gobalka sool ay kala daadsheen maleeshiyo deegaanka oo daacad u ahayd S/land. Magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ay si weyn ugu jirtaa gacanta maamulka Puntland waloow la dareemayo dhiilo colaadeed oo laga baqayo in ay isku dhacaan mar kale Ciidamada S/land iyo Puntland. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 4, 2007 Laascaanood: Wasiirada ugu sareysay Puntland oo booqdey magaalada Laascaanood jiidahana soo kormeeray. 4. October 2007 Laascaanood(AllPuntland)- Xukuumada dowlad gobaleedka Puntland wasiiro ka socda ayaa maanta booqdey dhamaan Jiidaha dagaalka iyo waliba Magaalada Laascaanood ayagoo ciidamada Puntland hadal dheer ujeediyey. Wafdigaan oo ka kooban ku dhowaad 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro,wasiiro kuxigeeno iyo taliyaal ciidan ayaa tagey saakaba Magaalada laascaanood waxaana hogaaminaya Wasiirka maaliyada Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab waxaana xubno ka ah wasiirka Cadalaada iyo arimaha diinta C/risaaq Yaasiin Cabdile (Geesoood) wasiiru dowlaha amniga Puntland iyo xubno kale oo fara badan. Wafuudan waxa ay tageen Jiidaha ay joogaan ciidamada dowlad gobaleedka Puntland ayagoo ciidamada hadal gaaban oo ay ujeediyeen ayay ciidamada ku booriyeen in ay difaacaan deegaaanada Puntland. Burhaan Maxamed Cabdi oo ka mid ah howlwadeenada Madaxtooyada Puntland oo jooga Magaalada laascaanood oo khadka telfoonka loo yaqaano Thruya kula soo hadley AllPuntland ayaa usheegay in shir xasaasi ay leeyihiin waxgaradka gobalada SSC iyo wasiirada Puntland ee halkaasi tagtay. Horey Burhaan wuxu sheegay in ay magaalada joogeen wasiiro kuxigeeno iyo taliyaasha ciidamada Puntland oo iskugu jira Boolis iyo Milateri waxa ayna la kulmayaan amaanka Magaalo madaxda Soomaaliya. Burhaan wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay joogaan meelihii ay daganaayeen 5-tii Sano ee ugu danbeysay isla markaana waxa ay tibaaxay in aysan jirin wax saan saan colaadeed ah isla markaanay ciidamadii Somaliland ku laabteen meelihii ay joogeen intii ay sheeganayeen Somaliland. Wixii ka soo baxa Kulamada Isimada iyo Puntland waan idiin soo gudbin doonaa. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 4, 2007 Wasiiro ka socda Puntland oo booqasho ku tagey magaalada Laascaanood Wasiiro iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka Puntland ayaa saacadihii ugu dambeeyey waxay booqasho ku tageen magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Wafdiyada gaarey magaalada Laascaanood waxaa ka mid ah wasiirka Maaliyada Max'ed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Max'ed Bangax, wasiirka cadaalada iyo diinta C/risaaq Yaasin Cabdulle Geesood iyo xubno kale, waxaana halkaasi ay kulamo kala duwan kula leeyihiin Odaayaasha, waxgaradka, aqoonahanada, culima'udiinka, qaybaha maamulka iyo taliyeyaasha ciidamada Gobolka iyo kuwa Daraawiishta ee difaaca uga jira duleedka magaalada Laascaanood halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulka la magac baxay Somaliland. Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Max'ed Bangax oo ka mid ahaa wasiirada booqashad ku tagey magaalada Laascaanood ayaa maanta mar u wareysi gaar ah siiyey warbaahinta caalamiga ah ee SBC wuxuu ku nuuxnuuxsadey in bulshada Gobolka Sool ay yihiin dad dhiig ahaan, dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaanba ah Puntland, waxaana meesha uu ka saarey sheegashada ka imaanaya maamulka Somaliland ee ku aadan magaalada Laascaanood ay joogaan dad taageersan Somaliland. C/raxmaan Max'ed Bangax wuxuu hoosta ka xariiqay in dadka ku dhaqan Gobolka Sool ay yihiin dad caan ku ah xornimo doon, Soomaali jecel sidaasi darteed aysan xiligan ka suurgali karin in ay raacaan maamul u hamuun qaba in uu kala qaybiyo midnimada Soomaaliya. Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku weheliyey saxafiyiinta gudaha iyo dibada waxaana uu sheegay in saxaafada uu u keenay magaalada Laascaanood si ay meesha uga baxdo wararka uu ku tilmaamay ku tiri kuteenta ee ay Somaliland ku sheegayso in ay haysato magaalada Laascaanood. SBC International News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites