Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Somaliland oo ansixisay Xisbiga Talo-wadaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay dacwad ka dhan ah guddiga diiraan gelinta ururada iyo axsaabta qaran.

Maxkamadda ayaa dhageysatay dacwad Idaari ah taas oo xisbiga Talo-wadaag uu u soo gudbiyay maxkamadda isaga oo racfaan ka qaadanayo go’aanka guddiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta qaran ee Somaliland.

Fadhi dheer iyo dood ay maxkamadda ka yeelatay ayay ku shaacisay in Xisbiga Talo-wadaag, uu yahay xisbi soo maray hanaankii loogu talagalay in xisbiga iyo shuruudihii laga rabay xisbiga.

War ka soo baxay maxkamadda sare ee Somaliland ayaa lagu yiri “Maxkamadda waxa ay xukuntay in urur-siyaasadeedka Talo-wadaag u gudbay  tartanka doorashada axsaabta qaranka JSL”.

Warqadda ka soo baxday maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ku taariikheysan 17-kii bishaan Novermber, waxaana lagu wargeliyay in guddiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta qaran ee Somaliland ay ku daraan liiska ururada gudbay.

316530246_850554653102566_61906150418048

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this