Deeq A. Posted November 20, 2022 Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada iyo goghayaha guud ee gobolka Banaadir. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilkii ka qaaday guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir Cali Yare Cali, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh). Sidoo kale madaxweynaha ayaa Ciise Maxamuud Guure u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda, halka uu Cabicasiis Cismaan Maxamed u magacaabay guddoomiye ku-Xigeenka arrimaha bulshada Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud, halka Faysal Carraale Afrax loo magacaabay xog-hayaha guud ee gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites