Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha Madaxtooyada Cusub Ee Galmudug oo Madaxweyne Xarigga Ka Jaray

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug oo dhowaan lasoo gabagabeeyay dhismaheeda magaalada Dhuusamareeb
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.
“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.” ayuu yiri xilli ka hadlayay goobta munaasabbada.
Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan degmada.
316317831_525652822939195_52710130710532
316254560_525652916272519_21657899592018
316298828_525620079609136_45354108060814
316268682_525625676275243_98776343184171
316315149_525620262942451_61606095802493
May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 10 people and people standingGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this