Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Taliye saldhig degmo oo lagu eedeeyay kufsi

Recommended Posts

Deeq A.   
20221120_153125.jpg?resize=720%2C540&ssl

Taliyaha saldhigga degmada Ufeyn ee gobolka Bari Mukhtaar Siciid Dhurwaa ayaa lagu eedeeyay in uu kufsi u gaystay gabar lagu magacaabo Aasiyo Maxamed Siciid oo ku nool degmadaas.

Kiiskan oo la sheegay in uu dhacay 14 bishan November ayaa baaristiisa loo soo gudbiyay magaalada Garoowe, waxaana eedeysanaha iyo dhibanaha laga qaaday dheecaanka Hido Sidaha (DNA), iyadoo natiijada kiiskan maalmaha soo socda laga sugayo hay’adda Forensic Science ee Puntland, sida uu Puntland Post u sheegay guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqul Insaanka Siciid Cabdi Muumin.

Dhanka kale qaar ka mid ah ehelada dhibanaha u ah kiiskan oo la soo xiriiray Puntland Post ayaa sheegay in saraakiisha Booliska Puntland aysan sarkaalka eedeysanaha ah ku sameyn shaqo joonin ama dhaqdhaqaaqiisa hakin inta uu socdo baaritaanka, hadana uu ka shaqaynayo saldhigga degmada Ufeyn.

Saraakiisha Booliska Puntland oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino eedeynta loo jeedinayo ayaa ka gaabsaday in ay  jawaabaan.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Taliye saldhig degmo oo lagu eedeeyay kufsi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this