Deeq A. Posted November 20, 2022 Indhaha mucaashaqiinta kubbadda cagta adduunka ayaa ku sii jeeda Al Bayt Stadium magaalada Al-Khor ee dalka Qatar, halkaas oo goordhow ka dhici doonto xaflada furitaanka koobka adduunka 2022. Tartanka koobka adduunka 2022 ayaa lagu furayaa xulka martigalinaya ee Qatar iyo xulka Ecuador oo ay ku wada jiraan guruub A. Dalalka ka qaybgalaya Waxaa ka qaybalaya 32 dal oo kala ah Qatar, Ecuador, Senegal, Netherlands, England, Iran, USA, Wales, Argentina, Saudi Arabia, Mexico, Poland, France, Australia, Denmark, Tunisia, Spain, Costa Rica, Germany, Japan, Belgium, Canada, Morocco, Croatia, Brazil, Serbia, Switzerland, Cameroon, Portugal, Ghana, Uruguay iyo South Korea. Waxayna ku kala jiraan 8 guruub. Group A: Qatar, Ecuador, Senegal, NetherlandsGroup B: England, Iran, USA, WalesGroup C: Argentina, Saudi Arabia, Mexico, PolandGroup D: France, Australia, Denmark, TunisiaGroup E: Spain, Costa Rica, Germany, JapanGroup F: Belgium, Canada, Morocco, CroatiaGroup G: Brazil, Serbia, Switzerland, CameroonGroup H: Portugal, Ghana, Uruguay, South Korea Taariikhda koobka adduunka Koobka Adduunka waa koob dahab ah kaas oo la guddoonsiiyo ku-guuleystayaashii tartanka kubbadda cagta. Waa mid ka mid ah koobabka ugu qaalisan taariikhda ciyaaraha, waxaana lagu qiimeeyaa $20 milyan. Wuxuu dhererkiisu yahay 36.5 sentimitir (14.4 inji), halka uu 75% ka sameysan yahay dahab. Koobka adduunka ee maanta laga daahfurayo dalka Qatar waa kii 22-aad tan iyo markii ay cayaarahan bilowdeen sanadkii 1930-kii, waana cayaara kooxo rag ah oo ka kooban dalalka xubnaha ka ah xiriirka kubbadda cagta ee adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA. Dhacdada koobka adduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930-kii, balse wuxuu hakad ku yimid sanadihii 1942 iyo 1946 markaa oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Tantankan waxaa difaacanaya xulka France oo ku guuleystay sanadkii 2018. Dalalka martigaliyay Uruguay -1930Italy -1934France – 1938Brazil – 1950Switzerland -1954Sweden – 1958Chile – 1962England – 1966Mexico -1970West Germany -1974Argentina -1978Spain-1982Mexico- 1986Italy – 1990USA -1994France- 1998South Korea iyo japan –-2002Germany – 2006South Africa – 2010Brazil – 2014Russia -2018Qatar – martegeliyaasha sanadkan 2022. Sida loogu kala guuleystay 1930: Uruguay1934: Italy1938: Italy1950: Uruguay1954: West Germany1958: Brazil1962: Brazil1966: England1970: Brazil1974: West Germany1978: Argentina1982: Italy1986: Argentina1990: Germany1994: Brazil1998: France2002: Brazil2006: Italy2010: Spain2014: Germany2018- France2022…….. PUNTLAND POST The post Maxaad ka taqaan koobka adduunka? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites