Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Billowday Inay Koronto U Dhoofiso Dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sanno ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Itoobiya horraantii sannadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay koronto ka dhaliso mashruuca biyo xidheenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil.

Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xidha labada dal oo ay ku kacayso 500 milyan oo doollar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doollar sannadkii.

Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay billowday inay koronto ka dhaliso biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaalla webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Augusto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this