Sign in to follow this  
Deeq A.

Eritrea Oo Shaacisay Dalal Reer Galbeed Ah Oo Xumeynaya Xidhiidhka Ka Dhexeeya Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Eritrea ayaa si kulul uga hadashay waddamo reer Galbeed ah oo doonaya inay buuq ku furaan xidhiidhka ka dhexeeya dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh, kadib isbedelkii dhacay 15-kii May oo xukunka lagala wareegay madaxweyne Farmaajo.

Warbixin dheer oo lagu daabacay wakaalada wararka Eritrea ee Shabait ayaa lagu sheegay in cilaaqaadka xukuumada Muqdisho iyo Asmara uu sii xoogeysanayo, xili reer Galbeedka ay tashwiish ku furayaan xidhiidhkan.

“Isku xidhnaanta sii kordheysa ee labada dal, gaar ahaan dhanka difaaca iyo amniga, waxa ay dhalisey guux weyn oo diidmo ah oo ka imaanaya tiro dalal reer galbeed ah. Waana  munaafaqnimo weyn oo ku qotonta isla weyni,” ayaa lagu yidhi warbixin dheer oo lagu daabacay Shabait.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Eritrea oo lagu muujiyay taageero weyn oo Soomaaliya ay hore u siisay dalkaasi ayaa lagu sheegay in haatan ay xoogooda isugu geynayaan sidii kooxaha argagixisada ah gobolkan looga sifeyn lahaa.

“Wadashaqeynta joogtada ah ee labada dal ayaa dhab ahaantii ku qotonta taariikh dheer oo wadajir ah, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay koox yar oo jilayaal ah oo taageero u fidiyay Ereteriya halgankii dheeraa ee xorriyadda. labada waddanba waxay garwaaqsan yihiin in dagaalka  argagixisada Soomaaliya uu yahay xasilloonida, iyo amniga guud ahaan gobolka Geeska Afrika oo dhan ,”ayay tidhi dowladda Eritrea.

Si kastaba, Dowladda Eritrea ayaa noqotay dalkii u horreeyay ee ciidamo Shan kun askari ah u tababarta Soomaaliya, kuwaas oo sida qorshaha yahay Soomaaliya dib loogu soo celin doono lixda bilood ee soo socota.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this