Sign in to follow this  
Deeq A.

Bill Gates oo 7 bilyan oo Dollar ugu yaboohay Qaaradda Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa sheegtay inay 7 bilyan oo dollar ugu yaboohayso Afrika afarta sano ee soo socota, iyadoo Bill Gates uu ka digay in qalalaasaha Ukraine uu hoos u dhigayo xaddiga mucaawinada soo gaari jirtay qaaradda Afrika.

Ballan-qaadka Bill Gates, oo 40% ku kordhiyay lacagtii uu bixiyay afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa lagu fulin doonaa mashaariic wax ka qabta gaajada, cudurrada iyo fakhriga.

Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Afrika ayaa yeelan doona saamiga ugu badan.

Kenya iyo inta badan bariga Afrika ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah.

PUNTLAND POST

The post Bill Gates oo 7 bilyan oo Dollar ugu yaboohay Qaaradda Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this