Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Booliiska magaalada Muqdisho oo fashiliyay qarax miino

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed qeybta gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay Qarax miino oo gaari lagu xiray.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo Al-shabaab ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan muwaadin Soomaaliyeed.

Afhayeenka Booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aysan cidna wax ku noqon qaraxa.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah,” ayuu ku yiri Af-hayeenka.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Booliiska magaalada Muqdisho oo fashiliyay qarax miino appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this