Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
DE48AE85-F303-4716-A3AD-F1FFF3529050.jpe

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,Amb. Mohammed El-Amine Souef.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu hambalyeeyay wakiilka cusub xilka loo magacaabay ee ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga (SRCC) iyo Madaxa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoona u rajeeyay guul muddada uu xafiiska joogo.

H.E. Isaaq Mursal, ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga Nabad Ilaalinta.

Wasiir ku xigeenka iyo wakiilka, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab loo baahan yahay in la sii laba jibaaro, islamarkaana la dardar geliyo sidii guud ahaan dalka looga xorayn lahaa kooxdaas.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this