Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Canada Oo Qorsheyneysa Inay Dalkeeda Kasoo Musaafuriso 400 Oo Dhalinyaro Soomaali Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Dowladda Canada ayaa billawday in ay ku dhaqaaqdo qorshaha ay ku mustaafurineyso ku dhawaad 400 oo Dhalinyaro Soomaali ah oo dalkaas ku galay Baasaboorka waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Canada ayaa sheegtay in dhalinyaradaas aanay ahayn Soomaali maadaama ay ku galeen Baasaboorka waddamo kale sidaas awgeed ay ku qasban tahay in ay mustaafuriso oo dib ugu celiso waddamada ay ku socdaaleen Baasaboorkooda.

Cabdullaahi Muuse oo kamid ah Dhalinyaradaas ayaa sheegay in Dowladda Canada ka dalbatay in ay caddeeyaan Soomaalinimadooda, qaar kamid ah Dhalinyaradaasna laga buuxiyay diiwaanka Dowladda u ogolaanaya in la tarxiilo.

Jaaliyadda Soomaalida ee Canada iyo mas’uuliyiinta xilalka Dowladda ka haya ayuu Cabdullaahi Muuse ugu baaqay in ay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la mustaafuriyo Dhalinyarada oo dhammaan isku kiis ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this