Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia ayaa kulamo Miro dhal ah la yeeshay Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee Serbia H.E Ivica Dačić, Wasiirrada arrimaha gudaha, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dalkaasi Serbia.
Raisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Serbia ayaa soo dhoweyn maqaamkeedu sareeyo u sameeyay wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii La socday wuxuuna muujiyay sida uu ula dhacsanyahay wafdiga Wasiirka ee Soomaaliya ka yimid oo uu ku tilmaamay saaxiib soo jireen ahaa oo dalkiisu leeyahay. .
Mudane Ivica Dačic ayaa balan qaaday inay dowladdiisu taageero dhinac walba ah la garab taagantahay dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo qalabaynta Ciidamada iyo dhismaha xarumo caafimaad oo lagu daweeyo Ciidamada qalabka sida iyo sidoo tababarka shaqaalaha dowladda.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo Shacabka Serbia soo dhoweynta heerka sare ahayd ee loo sameeyay iyo taageerada ay u balan qaaday dowladda Soomaaliya wuxuuna caddeeyay in dhanka Soomaaliya ka go’antahay xoojinta saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dal ka dhaxaysay isagoo tusaale usoo qaatay in dib loo hawlgeliyay safaaradda Soomaaliya ee Belgrade.
Xiriirka labada dal ayaa soo bilowday 1960 waxayna hormuud ka wada ahaayeen dowladaha aan dhinacna u jan-jeerin ee dhex-dhexaadka, dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dadaallo ugu jirtay sidii ay u hagaajin laheyd, xiriirka ay laleedahay wadamada caalamka, waxaana wasiirka tan iyo markii la magacaabay uu booday wadamo kale duwan, kuwaas oo xiriir la leh Soomaaliya.
316045172_543909957775615_24000410914091
316039144_543909987775612_52940209699206
316127954_543909691108975_61916820152928
315856173_543909964442281_53357005046384
316253821_543909597775651_81908895500241
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this