Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan: Dadka ree Baxdo, Waqti Munaasib ah Ayeey Qaateen Go’aan Dhaxalgal ah:

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgalada dalka socda ee ka dhanka ah  Al-shabaab ayaa gaaray magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud oo ka mid ah deeganada laf dhabarta u ah halganka socda ee ka dhanka ah, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo shacabka deegaanka.
Madaxweynaha jamhuuriyadda oo boqolaalka ka mid ah bulshada magaalada Baxdo kula hadlay fagaaraha Masjika Al-nuur oo ah saldhigga halganka diiniga ah ee hortagga figirka guracan iyo gumaadka Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku bogaadiyay sida naf hurnimada ah ee ay ugu guntadeen difaaca dhulkooda, waxa uuna adkeeyay muhiimadda in waqti kooban lagu xoreeyo deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha oo xusay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen bulshada magaalada Baxdo ayaa tilmaamay in dowladdu ay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu iska dulqaadeen Al-shabaab, iyadoo la xasuusto in deegaanka lagu dilay 72 ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen dadka deegaanka oo dagaal kula galay degmada iyagoo taageero ka helaya ciidanka xoogga dalka.
“Dadka ree Baxdo, waqti munaasib ah ayeey qaateen go’aan dhaxal gal ah, kaasi oo horseeday in maanta ay si nabad iyo xorriyad ah ugu noolaadaan deegaankooda iyaga oo aan cabsi ka qabin amarada qaldan iyo addoonsiga Khawaarijta isla markaana difaacday naftooda, maalkooda, sharafkooda iyo diintooda. Geeddiga dabar goynta Khawaarijtu waa billowday, waa in aan dhaqso ku rumeyno riyada halyeeyadii naga shahiiday iyaga oo difaacaya deegaankan oo aan cadowga uga daba tagno meelaha uu weli ku dhibaateynayo dadkeenna.” ayuu yiri xilli uu la hadlayay bulshada degmada Baxdo.
Madaxweynaha oo sii wata kormeerkiisa abaabulka dagaalka oo kormeeraya fariisimaha ciidanka ayaa waxaa uu safarkiisa ugu ambabaxay magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana madaxweynuhu  ugu baaqay shacabka Galmudug in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
316306694_525047546333056_68456526184779
316280946_525047586333052_55822600076702
316253834_525047016333109_38604707009330
316126028_525047042999773_76204709085907
316194758_525047772999700_45882129150755
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this