Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo MAXAAS uga dhawaaqay saddex degmo oo la xoreynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas (Caasimada Onlinme) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta u baxay kormeer uu ku tegayo furimaha dagaalka ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ka mid ah meelaha uu ka socdo gulufka.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno, saraakiil iyo bulshada rayidka.

Ugu horreyn madaxweynaha oo hadal ka jeediyey degmada Maxaas ayaa shacabka ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay dadka deegaanka ee  dagaalka ku jira.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la xoreyn doono deegaanada weli gacanta ugu jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere iyo Aadan Yabaal.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xarardheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha ay qabaan dadka shacabka ah ee ku nool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo deegaanada hoos yimaada, wuxuuna balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay dadajin doonto qorshaha ay adeegga dowladnimada ku gaarsiineyso deegaanada laga xoreeyay kjooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku yaalla Galmudug iyo HirShabelle.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dooneysa in la dardar-geliyo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, waxaana ujeedka safarka madaxweynaha uu yahay dhiira-gelin uu ugu tegayaa ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka.

316257292_524882369682907_67093225410504 315202882_524882519682892_83453423453359 315216185_524882479682896_33430513323559 315745716_524882473016230_85202281104955 315846824_524882529682891_72058079560627 315971015_524882546349556_17120903255511 315982520_524882399682904_74787039346403 316042141_524882409682903_65783893240500

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo MAXAAS uga dhawaaqay saddex degmo oo la xoreynayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this