Sign in to follow this  
Deeq A.

Jamhuuriga oo ku guulaystay Aqlabiyada Aqalka Congress-ka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Congress-ka Maraykanka Arbacadii, taas oo dejinaysa laba sano oo dowladda Mareykanka ay kala qaybsanaan doonto, iyada oo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden uu gacanta ku hayo aqalka Senetka.

Guushan waxay siinaysaa Jamhuuriga awood ay ku xakameeyaan ajendaha madaxweyne Biden, iyo sidoo kale inay bilaabaan baaritaanno waxyeello siyaasadeed u keeni kara maamulkiisa iyo qoyskiisa, in kasta oo ay aad uga hoosayso guushani mowjadihii xisbiga Jamhuuriga ee la saadaaliyay.

Jamhuuriga ayaa ku guulaystay 218 kursi oo ay u baahnaayeen si ay u xakameeyaan Aqalka. Guusha xisbiga Jamhuuriga ee degmada 27-aad ee Koongareeska California ayaa u fududeysay inay la wareegaan aqlibiyadda golaha wakiillada.

Hoggaamiyaha golaha wakiillada ee xisbigan, Kevin McCarthy, ayaa laga yaabaa inay sugayaan caqabado adag, maadaama uu u baahan doono guddigiisa joogtada ah si uu isugu keeno codadka muhiimka ah, oo ay ku jiraan miisaaniyadda dowladda iyo militariga xilli madaxweynihii hore Donald Trump uu dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne.

PUNTLAND POST

The post Jamhuuriga oo ku guulaystay Aqlabiyada Aqalka Congress-ka Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this