Sign in to follow this  
Deeq A.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku geeriyooday Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1668751933233.jpg?resize=640%2C42

Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid ahaa Isimada waaweyn ee Puntland ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay Geerida Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumka.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan  shacabweynaha reer Puntland waxaan ka tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

“Garaadku wuxuu wakhtigiisii ugu badnaa geliyey nabada iyo xasiloonida reer Puntland oo uu kamid ahaa Isimadii u guntaday Aas-aaska dowladda Puntland oo si weyn loogu xasuusto doorkiisii wanaagsanaa”

“Waxaa eebbe u weydiinayaa inuu qabriga u waasiciyo qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabweynaha Soomaaliyeed iyo Puntlandba uu ka siiyo samir iyo iimaan taam ah” ayuu sii raaciyay Axmed Karaash.

PUNTLAND POST

The post Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku geeriyooday Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this