Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed  Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo xusay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka dowlad Goboleedka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this