Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajaanib si sharci-darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha Puntland oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay doonyo ay leeyihiin ajaanib si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland.

Qoraal ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in ciidanku ay hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu islamarkaana ku qabteen doonyo sifo sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha degmadaas.

“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ayaa degmada Caluula ka fuliyey hawlgallo qorshaysan oo lagu soo qabtay Ajaaniib iyo Kalluumaysato sharcidaro ku Kalluumaysanaayey” ayaa lagu yiri qoraalka.

PMPF ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo dhammaan ajaanibtii saarnaa doonyaha kalluumeysi ee sharci-darrada ah.

PUNTLAND POST

The post Ajaanib si sharci-darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha Puntland oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this