Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan La Isku Canaantay Oo Dhexmaray Madaxweynaha Shiinaha & Ra’iisul Wasaaraha Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku canaantay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau shir madaxeedka G-20 Arbacadii, isagoo ku eedeeyay inuu siidaayay tafaasiil ku saabsan wadahadal ay hore u yeesheen, kaas oo Trudeau uu walaac ka muujiyay faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.

Labada hoggaamiye ayaa kulankan ku yeeshay waddanka Indonesia, iyada oo ay warbaahintu awood u yeelatay inay duubto.

“Wax walba oo aan ka wadahadalnay ayaa loo gudbiyay warbaahinta; taasi maahan mid habboon,” ayuu Xi u sheegay Trudeau isaga oo u maraya turjumaankiisa. “Taasina maaha… sida aan u wadahadalnay, haddii ay jirto daacadnimo dhinacaaga ah,” ayuu Xi sii raaciyay.

Trudeau oo hadalka soo dhexgalay oo u soo dhaqaaqay dhanka Xi ayaa yidhi “Canada, waxaan aaminsanahay wadahadal xor ah, furan, oo daacad ah, taasina waa wax aan sii wadi doono,”

“Waxaan sii wadi doonaa inaan si wadajir ah u wada shaqeyno, laakiin waxaa jiri doona waxyaabo aynaan ku heshiin doonin.” ayuu raaciyay Trudeau.

Xi ayaa hareeraha eegay markii uu Trudeau u jawaabay.

“Marka hore aan abuurno shuruudo.” ayuu ku jawaabay Xi.

Labada hoggaamiye ayaa is gacan qaaday kadib iska hor-imaad kooban.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Canada ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ka hadleen duullaanka Ruushka ee Ukraine, Kuuriyada Waqooyi iyo is-beddelka cimilada, iyo in Trudeau uu sidoo kale kor u qaaday “walaacayada halista ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.” Sarkaalkan ayaa ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, maadaama aan loo ogolayn inuu si cad uga hadlo arrintan.

Trudeau oo shir jaraa’id oo uu qabtay kulankaas kadib wax laga weydiiyay iska hor-imaadka dhexmaray isaga iyo Xi ayaa yidhi, “Wadahaddalladu mar kasta ma wada fududa, laakiin aad ayey muhiim u tahay inaan sii wadno inaan u istaagno waxyaabaha muhiimka u ah dadka Canada.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this