General Duke Posted January 12, 2005 Masar oo Beenisay Iney Ka Maagayso Kulan Dhexmara X. Mubarak iyo C/lahi Yuusuf Dawladda Masar ayaa si cad u beenisay warar sheegayay in ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masaaridu ka gaabinayso kulan ay yeeshaan madaxwaynaha Soomalaiya iyo madaxwaynaha Masaarida . Xukuumadda Masara ayaa todabaadkii hore bartimihiisa si rasmi ah ugu sheegatay safiirka soomaalida u jooga dalkaas Md C/llaahi Xasan in dawladda Masaaridu danaynayso kulan iyo is arag dhexmaro lanbada madaxwayne balse ay ku xirantahay jadwalka shaqo ee madaxwaynaha Soomaliya iyo kan Masar goor walibana dawladda Masar diyaar u tahay in ay kala sheekaysato madaxda Soomaalida xiriirka labada dal iyo arrimaha Geeska Afrika . Dadka ka faalooda umuuraha siyaasadda ayaa rumaysan in dawladda Masaaridu yara ka gaabinayso kulan ay la samayso madaxwaynaha dawladda km ah Md C/llaahi Yuusuf Axmad iyadoo la rumayasanyahay in uu yahay nin ay samaysataya dawladda Itoobiya waliba ay xukuumadda Masaaridu u aragto qaybo ka mid ah golah wasiirada cadaw dalka Masar waayo waxa ka mid ah xubno gubay calanka Masaarida . C/llaahi Khadar Budbud33@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 12, 2005 MASAR OO KU DHAWAAQDAY IN AY SOO DHAWEYN IYO QADARIN U SAMEYNAYSO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA QAAHIRA, Arbaco 12/01/05 Dowladda Masar ayaa gaashaanka ku dhufatay oo waxba ka ma jiraan ku tilmaamtay warar maalmihii la soo dhaafay ay saxaafaddu qortay oo sheegayey in dowladda Masar u diidday Madaxweyne C/laahi Yuusuf inuu booqasho ku tago dalkeeda. Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar oo ka jawaabeysa wararkaas ayaa sheegtay in hadda ay socdaan howlo waqti rasmi ah loogu xadidayo booqashada Madaxweyne C/laahi Yuusuf ee dalka Masar iyadoo wadatashiyo u socdaan mas’uuliyiinta dowlada Masar iyo Xoghaynta Madaxweyne C/laahi Yuusuf. Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa u yeertay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaahira C/laahi Xasan kaddib markii wararkani soo baxeen, waxayna wasaaraddu Danjiraha si rasmi ah u gaarsiisay in dowladda Masar ay soo dhaweynayso booqashada Madaxweyne C/laahi Yuusuf waqti kasta. Waxay sheegtay wasaaraddu in Madaxweynaha Masar Max’ed Xusni Mubaarak uu aad ugu dadaalayo in uu wadatashiyo joogta ah la yeesho dhiggiisa Soomaaliya C/laahi Yuusuf si looga wada hadlo xaaladda guud ee Soomaaliya, Geeska Afrika iyo xiriirka labada dal. (QARAN PRESS) Quote Share this post Link to post Share on other sites