Sign in to follow this  
General Duke

Egypt denies any rift and will welcome President Yusuf

Recommended Posts

Masar oo Beenisay Iney Ka Maagayso Kulan Dhexmara X. Mubarak iyo C/lahi Yuusuf

 

Dawladda Masar ayaa si cad u beenisay warar sheegayay in ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masaaridu ka gaabinayso kulan ay yeeshaan madaxwaynaha Soomalaiya iyo madaxwaynaha Masaarida .

 

Xukuumadda Masara ayaa todabaadkii hore bartimihiisa si rasmi ah ugu sheegatay safiirka soomaalida u jooga dalkaas Md C/llaahi Xasan in dawladda Masaaridu danaynayso kulan iyo is arag dhexmaro lanbada madaxwayne balse ay ku xirantahay jadwalka shaqo ee madaxwaynaha Soomaliya iyo kan Masar goor walibana dawladda Masar diyaar u tahay in ay kala sheekaysato madaxda Soomaalida xiriirka labada dal iyo arrimaha Geeska Afrika .

 

 

Dadka ka faalooda umuuraha siyaasadda ayaa rumaysan in dawladda Masaaridu yara ka gaabinayso kulan ay la samayso madaxwaynaha dawladda km ah Md C/llaahi Yuusuf Axmad iyadoo la rumayasanyahay in uu yahay nin ay samaysataya dawladda Itoobiya waliba ay xukuumadda Masaaridu u aragto qaybo ka mid ah golah wasiirada cadaw dalka Masar waayo waxa ka mid ah xubno gubay calanka Masaarida .

 

C/llaahi Khadar

Budbud33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MASAR OO KU DHAWAAQDAY IN AY SOO DHAWEYN IYO QADARIN U SAMEYNAYSO MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

QAAHIRA,

 

Arbaco 12/01/05

Dowladda Masar ayaa gaashaanka ku dhufatay oo waxba ka ma jiraan ku tilmaamtay warar maalmihii la soo dhaafay ay saxaafaddu qortay oo sheegayey in dowladda Masar u diidday Madaxweyne C/laahi Yuusuf inuu booqasho ku tago dalkeeda.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar oo ka jawaabeysa wararkaas ayaa sheegtay in hadda ay socdaan howlo waqti rasmi ah loogu xadidayo booqashada Madaxweyne C/laahi Yuusuf ee dalka Masar iyadoo wadatashiyo u socdaan mas’uuliyiinta dowlada Masar iyo Xoghaynta Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

 

Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa u yeertay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaahira C/laahi Xasan kaddib markii wararkani soo baxeen, waxayna wasaaraddu Danjiraha si rasmi ah u gaarsiisay in dowladda Masar ay soo dhaweynayso booqashada Madaxweyne C/laahi Yuusuf waqti kasta.

 

Waxay sheegtay wasaaraddu in Madaxweynaha Masar Max’ed Xusni Mubaarak uu aad ugu dadaalayo in uu wadatashiyo joogta ah la yeesho dhiggiisa Soomaaliya C/laahi Yuusuf si looga wada hadlo xaaladda guud ee Soomaaliya, Geeska Afrika iyo xiriirka labada dal.

 

(QARAN PRESS)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this