Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: PM offers olive branch, will the clowns listen?

Recommended Posts

Muqdisho: Raysal Wasaare Nuur Cadde oo soo bandhigay barnaamijka dib u heshiisiinta ee xukuumadiisa (Shir Jaraa'id).

 

12. marts 2008

Muqdisho (AllPuntland) - Raysal Wasaaraha Xukuumada soomaaliya Nuur xasan Xuseen (Nuurcade) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku faah faahiyay barnaamijka dib u heshiisiinta ee xukuumadiisa.

 

Raysal wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in Dib u heshiisiinta ay noqoneyso labo nuuc, kaasoo uu sheegay in mid uu noqonayo Dib u heshiisiin dadweynaha somaliyed iyo dib u heshiisiinta Dowladda iyo kooxaha mucaaradka dowladda.

 

Waxa uu sheegay in Dowladda si siman ay u wajaheyso arrimaha dib u heshiisiinta, iyadoona aanay cidinka kala sooceyn.

 

"Dowladda si isku mid ah ayay u wajeheyso dib u heshiisiinta, wax shuruud ah oo aan ku xireyno ma jirto kooxaha mucaaradka dowladda"ayuu yiri Raysal Wasaare Nuur Cadde.

 

Waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay fududeyso qaabkii ay dhici laheyd dib u heshiisiinta guud ee umada soomaaliyed.

 

Raysal wasaare nuur cadde ayaa mar kale ku celiya in wada hadalka ay la galayaan mucaaradka dowladda ay xataa ku jirto kooxda alshabaab, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yahay in ay la hadlaan.

 

Mar uu ka hadlay arrimaha ah in isaga iyo madaxweynaha ku kala aragti duwan yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, ayaa waxa uu tilmaamay in aanu jirin wax khilaaf ah ama kala aragti duwanaansho u dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha, waxa uuna intaa ku daray in isaga iyo Madaxweynaha ay si isku mid ah u wajahayaan arrimaha dib u heshiisiinta.

 

Shirka jaraa'id ee Raysal wasaaraha oo ahaa mid intiisa badan uu muhiimada ku saaray arrimaha dib u heshiisiinta, ayaa waxa uu baaq u diray hey'adaha gar gaarka caalamiga, waxa uuna ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kaalmo bani'aadanimo ula soo gaaraan gobolada ka jira abaaraha.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuur Cadde oo ka hadlay qaabka dib-u-heshisiinta

12 Mar 12, 2008 - 7:09:57 AM

 

Ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [N. Cadde] oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay u wajahayso laba qaab dib u heshiiinta dalka, isagoo sheegay in mid ay tahay mid quseysa shacabka Soomaaliyeed, midda kalena ay tahay mid ay kula hadlayaan kooxaha mucaaradka ah.

 

Nuur Cadde, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay doonayso inay la hadasho cid walba oo ka tirsan mucaradka, wuxuna sheegay inaysan kala soocayn kooxahaas, ayna soo dhaweynayaan wadahadallo ay la yeeshaan.

Ra'isal Wasaare Nuur Cadde

"Xitaa Kooxda Al-shabaab waan la hadlaynaa, waayo waxa aan doonayno waa inay nabad ka dhalato Somalia, taasna waxaan u maraynaa waddo walba, cid walba oo naga soo horjeeddana waxaan ku khasbannahay inaan la hadlano" ayuu yiri Nuur Cadde Ra'iisul Wasaaraha Somalia.

 

Mar uu ka hadlay Ra'iisul Wasaaraha Somalia in isaga iyo Madaxweyne Yuusuf ay ku kala aragti duwan yihiin dhanka dib u heshiisiinta uuna khilaaf ka dhexeeyo, ayaa yiri:

 

"Aniga iyo Madaxweynaha Somalia isku aragti ayaan ka nahay dib u heshiisiinta Somalia, mana jirto kala aragti duwanasho ku saabsan dib-u-heshiisiinta oo nagu dhex jirta; waxaana kula hadlaynaa mucaaradka meel walba oo suuragal ah".

 

Sidoo kale, Nuur Cadde, wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Yusuf ay dhowr jeer ka hadleen dib u heshiisiinta, ayna isku mowqif ka noqdeen qaabka ay Dowladdu u wajahayso nabad ka dhalata Somalia; isagoo daboolka ka qaaday in beesha caalamka looga baahan yahay inay dardargeliyan sidii u wadahadli lahayen DF iyo mucaradkeda.

 

Wuxuu sheegay Nuur Cadde in aanay iyagu doonayn in cid gaar ah ku taagan farta, taasoo ay ku tilmaamayaan inay diidan yihiin nabad ka dhalata Somalia, balse ay iyadu soo bixi doonto, shacabka Soomaliyeedna iyaga ayaa arki doona cidda diidan nabadda.

 

Nuur Cadde oo la weydiiiyay sida uu ka yeelayo shurudda mucaradka ay soo jeediyeen ee ah inay marka dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya, ayaa wuxuu gaashaanka ku dhuftay arrintaas, wuxuuna sheegay in bixitaanka cidamada Itoobiya ku imaan karto oo keliya marka wadahadalladu ay la yeelayaan mucaaradka ku dhamaadaan guul iyo is-afgarad.

 

“Run ahaantii waxa kooxaha naga soo horjeeda shegaan in ciidamada Itoobiya caqabad ku yihiin heshiis ay dowladda la galaan laakin taasi waa waxba kama jiraan oo ciidamadaan ma baxayaan hadii aanan heshiin anagu laakinse hadii aan wada hadalno waxa ay qaadanaysaa inay ku baxaan 24 saac”. ayuu yiri Ra’isal Wasaare Nuur Cade.

 

Kooxaha Mucaaradka ah intooda ku mideysan Isbaheysiga Asmara ayaa waxay inta badan ka hadlaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Somalia, waxayna sheegeen in haddii ay ka baxaan Somalia ay la hadlayaan Dowladda Somalia.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gar-haye   

What proof do you General Duke, that the opposition killed the Imam?

 

Talk specifically about this incident, because the oppostion themselves have said the TFG killed the Imam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Aniga iyo Madaxweynaha Somalia isku aragti ayaan ka nahay dib u heshiisiinta Somalia, mana jirto kala aragti duwanasho ku saabsan dib-u-heshiisiinta oo nagu dhex jirta; waxaana kula hadlaynaa mucaaradka meel walba oo suuragal ah".

That's an obselete lie. And as for reconcialation, I'm afraid that ship has sailed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’isul wasaare Nuur cadde “Aniga iyo madxweynuhu kuma kala aragti duwani dib u heshiisiinta”.

 

Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa ku gan seyray warar ay dhawanahanba shaacinayeen qeybaha war baahinta qaran diidka ah oo sheegayay in isaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyada uu ka dhexeeyo khilaaf ku wajahan dib u heshiisiinta.

 

Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa ku gan seyray warar ay dhawanahanba shaacinayeen qeybaha war baahinta qaran diidka ah oo sheegayay in isaga iyo madaxweynaha Jamhuuriyada uu ka dhexeeyo khilaaf ku wajahan dib u heshiisiinta.

 

“Aniga iyo madaxweynuhu kuma kala duwanin qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta,labadeenuba waxaan diyaar u nahay in dalku uu gaaro dib u heshiisiin waarta”ayuu yiri ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maanta saxaafada la hadlay kadib kulan ay xubnaha golaha wasiiradu ku yeesheen xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya.

 

“Madaxweynuhu waa masuulka dalka ugu sareeya isaga ayaana cid waliba ka jecel in uu kaga hor maro dib u heshiisiinta,waxana ogahay in uu raadinayo sidii dalku dib u heshiisin waarta u gaari lahaa,taana laabdenu waa ka simanahay”ayuu mar kale yiri ra’isulwasaaraha qaranka Nuur cadde .

 

Hadalka ra’isulwasaaraha qaranka kasoo baxay maanta ayaa kusoo beegmaya iyadoo war baahinta qaran diidku ay wali sii wadaan baahinta warar xagal daac leh oo ay ku sheegayaan in labada masuul aanay isku afgaran qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta lala galayo kooxaha dowlad diidayaasha ah.

 

Laakin ra’isulwasaaraha ayaa shaaciyay in wax farqi ahi aanu jirin,isaga iyo maedaxweynuhuna ay hal dhinac wax u wadaan, waxaana uu war baahinta ugu baaqay in aanay ku fududaan baahinta wararka wax duminaya oo danaha qaranka uun ay ka shaqeeyaan hadii ay yihiin war baahin wadaniyiin ah.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this